Allbanaadir.com
NEWS

(Warbixin) Maxaa ka jira in cabitaanka Coca Cola laga qaadi karo cudurka Kansarka?

Hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) ayaa ku dhowaaqday in kookadu ay tahay cabitaan keeni kara cudurka kansarka. Warkan cusub ayaa walaac ku abuuray dadka isticmaala cabitaankan iyo xeeldheerayaasha caafimaadka.

Daraasadda WHO waxay ku salaysan tahay maadada “aspartame” oo ah macaan samays ah oo lagu daro kookada.

Aspartame waa maaddo ay dood badani ka taagan tahay waxaana lala xiriiriyaa cillado caafimaad oo kala duwan oo kansarku uu ka mid yahay.

Warkan ka soo baxay Ha’adda WHO Qeybta qaabilsan baarista kansarka waxa xoojinaya daraasado kale oo lagu ogaaday inuu jiro xiriir ka dhexeeya isticmaalka “aspartame” iyo noocyo ka mid ah cudurka kansarka.

Daraasadaha lagu sameeyay xayawaanka iyo bini-aadanka ayaa lagu arkay in isticmaalka maadada “aspartame” ay kordhin karto halista kansarka noocyadiisa ku dhaca naaska, maskaxda iyo dhiigga.

Daraasaadkani waxa ay tilmaamayaan in cabitaanka kookada oo muddo dheer la istictaalo iyo in aad loo badsado ay kordhiyaan halista cudurka kansarka.

Khubarada caafimaadku waxa ay ku talinayaan in la iska yareeyo cabitaannada soodhaha leh iyo cabitaannada kale ee ay sonkortu ku badan tahay si loo dhimo khatarahooda caafimaad. Waxa ay dhiirragelinayaan in kookada lagu bedesho cabitaannada dabiiciga ah ee furuutka iyo khudradda, biyaha iyo noocyada shaaha sida shaaha cagaaran.

Related posts

Shirkii u soo xirmay DF & afar dowlad goboleed

Caydiid Ali

Kheyre oo shaaciyay Caqabadda ugu weyn ee dalka xilligaan heysata (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Caqabado hor taagan Caleemo Saarka Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug

Cabdi Cade
Taboola Ads ---