Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay Wafdi sare oo ka socday Hay’addo Caalami ah (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan qaatay Wafdi sare ah oo ka socday Hay’adaha Caalamiga ee World Vision, DRC ICF iyo SOMREP oo soo gaaray Jowhar.

Kulankaan oo Madaxweynaha ay ku wehliyeen qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada ayaa looga hadlay kor u qaadida mashaariicda horumarinta oo Hay’adahaan ay ka wadaan deegaanada Hirshabeelle iyo kuwa u qorsheysan gaar ahaan ka hortaga fatahaadaha wabiga shabeelle, Beeraha Cunnada iyo sare qaadista dalagyada abuurka, caawinta barakacayaasha iyo shaqo abuurka dhalinyarada.

Madaxweynaha ayaa Hay’adahaan la wadaagay in muhiimad gaar ah ay u leedahay in adeegyada horumarinta la gaarsiiyo deegaanadii dhowaan laga xoreeyay kooxda khawaarijta alshabaab si bulshada ay u helaan adeegyada muhiimka ah.

Related posts

Dagaal saaka waaberigii ka dhacay degmada Balcad iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Haween Soomaaliyeed oo Dacwad ka gudbiyay Shirkada Amazon

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo si adag uga jawaabay Amarkii kasoo baxay DFS

Cabdi Cade
Taboola Ads ---