Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Sheekh Shariif (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii hore xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu cirib tirayo.

Dhankiisa, Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda kulankan wadatashiga iyo soo-dhaweynta ah ee uu ugu fidiyey Madaxtooyada, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.

Related posts

Daawo Sawirada: Madaxweyne Dani oo booqday Dekadda weyn ee Tadjoura

Cabdi Cade

Madaxweynaha UAE oo booqasho taariikhi ah ku tagaya Kenya

Caydiid Ali

Ciidanka NISA iyo kuwa Shisheeye oo fuliyay howlgal lagu dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---