Allbanaadir.com
NEWS

Qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa saakay waabarigii ka dhacay Xeendaabka xerada Asluubta ee ku dhaw Isgooska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay darbiga xerada asluubta, waxaana qaraxa la sheegay in khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah oo marayay goobta uu ka dhacay.

Ciidamada asluubta oo ku sugnaa xerada ayaa qaraxa kadib rasaas furay, waxaana goobta laga qaaday dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxa ismiidaaminta ah ee loo adeegsaday gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaraxan saakay ka dhacay xerada Asluubta ee magaalada Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay qaraxan oo jugtiisa si weyn looga maqlay qeybo kamid ah Muqdisho.

Qaraxan ayaa imaanaya xili ay qabowday xiisadii dagaal ee maalmahan ka jirtay magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan uu dhacayaa xili magaalada maalmahan ka nasatay qarxyada miino iyo kuwa ismiidaaminta ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/xfX6h5CmmOk

Related posts

ATMIS oo Mashaariic horumarineed ka fulineysa magaalada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo Faah-Faahiyey U Diyaar-Garowga Caabuqa Caronavirus (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir Sabriye oo shaaciyay xilliga la furayo Shirka dib u heshiisiinta Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---