Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xamse Barre oo dalka ku soo laabtay & Masuuliyiin ka tirsan dowlada oo..(Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu soo dhammaystay gudashada Waajibaadka Xajka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka mid ahaa Muslimiinta Alle fursadda u siiyay Xajka sanadkan, ayaa intii uu ku sugnaa waxa uu ugu soo duceeyay ummadda Soomaaliyeed nabad, horumar iyo midnimo.

“Xamsa ayaa intii uu ku sugnaa dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya la kulmay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ee iyaguna sanadkan gudanayay waajibaadka Xajka” ayuu yiri afhayeenka xukuumada Somalia farxaan Maxamed Jicmaale.

Waxaa garoonka dayuuradaha magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha xukuumada iyo Baarlamanka Somalia, saraakiisha ciidamada iyo qeybaha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo Xoogan oo ka dhacay magaalada Kampala iyo Xaalada oo kacsan

Cabdi Cade

Xasan Shiikh oo Madaxda dalalka islaamka la wadaagay mowqifka Somalia ee xaaladda Gaza

Caydiid Ali

Puntland oo si adag uga hortimid tallaabo Dowladda Soomaaliya ay qorsheeneyso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---