Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax xoogan oo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho uu ka dhacay Xaafada Taleex ee degmada Hodan gaar ahaan meel ku dhaw Maqaayada Muscab.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uun ahaa miino laamiga dhinaciisa la dhigay, waxa uuna qaraxa dhacay xili uu goobtaasi maray gaari nuuca loo yaqaan Surf oon la ogeyn cida la socotay.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhaawacantay afar qof oo shacab ah oo qaarkood la socdeen Mooto bajaaj, lamana oga ilaa hada cida lala bartilmaameedsaday qaraxan oo goordhaw dhacay.

Qaraxyada miino ayaa inta badan looga baran in ay ka dhacaan gudaha magaalada Muqdisho, waxaana goobta qaraxan uu caawa ka dhacay ay tahay goob ay inta badan ku sugan yihiin dad shacab ah,

Waxii war ah ee kusoo kordha qaraxan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -