Daawo Sawirada: Wasiirka Arimaha Dibadda Somalia oo la kulmay Dhigiisa dalka Sweden

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa magaalada Brussels ee Caasimadda dalka Biljimka kula kulmay dhigiisa dalka Sweden Margot Wallström.

Kulanka ay qaateen labada Wasiir ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada wadan iyo sidoo kale natiijooyinka laga filan karo in laga dhaxlo shirkii Arimaha Soomaaliya looga hadlayay ee ka dhacay Biljamka.

Wasiirka Arimaha Dibadda dalka Sweden Margot Wallström, ayaa balan qaaday in dowladeeda ay xoojin doono taageerada ay siiso Soomaaliya, waxa ayna amaantay hormarada dowlada Soomaaliya gaartay mudooyinkii ugu dambeeyay.

Dowlada Sweden ayaa door weyn ku laheyd shirkii arimaha Soomaaliya looga hadlayay ee ka dhacay dalka Biljamka, waxa ayna Sweden kamid tahay dowladaha taageerada siiya dowlada Federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -