Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh & dhigiisa Al-Sisi oo arrimo xasaasi ah ka wada hadlay

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi, ayaa maanta khadka taleefanka kula soo xiriiray Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay madaxtooyada Masaarida

Afhayeenka rasmiga ah ee Madaxtooyada Masar ayaa sheegay in Madaxweyne Al-sisi uu ka wareystay dhigiisa Somalia xaaladdiisa caafimaad, kadib markii dhawaan uu ka badbaaday weerar qarax oo ka dhacay afaafka hore ee xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in dhammaan madaxda Masar iyo shacabka Masar ay garab taagan yihiin Madaxweynaha Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

Danjire Mohamed El-Shinawi, Afhayeenka rasmiga ah ee dowlada Masar, ayaa intaa ku dartay in Madaxweynaha uu carabka ku adkeeyay in Masar ay ka go’an tahay inay taageerto dadaallada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan la dagaalanka argagixisada si loo helo fikradda guud ee ka kooban dhinacyada maskaxda, arrimaha bulshada, horumarka iyo amniga

Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in Masar ay sii wadi doonto dadaallada wadajirka ah ee sahminta aragtiyo ballaaran oo iskaashi oo dhinacyo kala duwan leh, iyadoo la eegayo xiriirka walaaltinimo ee labada dal.

Afhayeenka ayaa caddeeyay in Madaxweynaha Soomaaliya uu dhankiisa u mahadceliyay dhigiisa Al sisi, isagoo ku ammaanay taageerada Masar ay la garab taagan tahay dalkiisa, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday sida ay uga go’an tahay Masar inay kala shaqeeyaan dhinacyada kala duwan si loo gaaro himilooyinka shucuubta walaalaha ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka.

 

Related posts

Taliban oo cambaareysey qaraxyadii Kabul & Wararkii ugu dambeeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Deni oo kulankii ugu horeeyey la qaatay Guddiga Wada xaajoodka Arrimaha Federaalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Rasaas la maqlayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---