Gudiga doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug oo Dhuusamareeb looga dhawaaqay (Sawirro)

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa manta kulan ku yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug kaasoo looga dooday Mooshinka laga keenay Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Maxamed Xaashi Carabey.

Gudoonka kulankan ayaa sheegay in maalinta berri ah  codka kalsoonida kala noqoshadda loo qaadayo Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug.

Xareed Cali Xareed oo ah Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Baarlamanka Galmudug  ayaa sidoo kale ku dhawaaqay Guddiga doorashadda Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug, Maadaama uu sheegay iney xilkii ka qaadeen Guddoomiyihii Baarlamanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir.

Guddiggan ayaa ka kooban 11 xubnood, waxayna ka shaqeyn doonaan qaban-qaabada doorashadda Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiyihii Baarlamanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ku gacan seyray xilka ka qaadista lagu sameeyey, waxaana taa bedelkeed xildhibaano isaga taageersan  oo ku shiray Cadaado ay xilkii ka qaadeen madaxweyne Xaaf.

Khilaafka madaxda maamulka Galmudug ayaa u muuqda mid faraha ka baxay oo aan waxba laga Karin, dowlada Somalia ayaana illaa hadda ku jahwareersan qaabkii ay wajihi laheyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -