Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo la guddoonsiiyay Deeq Lacageed oo dhan 50 kun oo Dollar

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Soomalia u fadhiya ururka Iskaashiga Islaamka H.E. Ambassador, Mohamed Bamba M.Boba.

Ujeedka kulanka wuxuu ahaa in uu guddoonsiiyo hay’adda SoDMA kaalmo lacageed oo dhan $50,000 oo doolar, taas oo ay balan qaadeen Islamic Solidaarity fund (ISF) booqashadoodii ay ku imaadeen xarunta hay’adda maaraynta musiibooyinka bishii febarayo 2023, si abaaraha wax looga qabto.

Guddoomiyaha hay’adda mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa uga mahad celiyay ISF iyo OIC, garab istaagga ay u muujiyaan umadda Soomaaliyeed markasta iyo marxalad waliba oo ay marayaan.

Dhanka kale safiir Bamba ayaa ballan-qaaday in uu si dhaw ula shaqeyn doono hay’adda SoDMA oo wadda howlo aad u baaxad wayn si Soomaaliya ay uga baxdo dhibaatada bani’aadannimo ee haysata.

Related posts

(Akhriso) Habraaca doorashada saddex ka mid ah kuraasta taalla Baladweyne

Caydiid Ali

Muxuu Galmudug ku soo kordhin karaa Gudoomiye Max’ed Nuur Gacal? (Warbixin)

admin

Qarax dad badan lagu dilay oo maanta ka dhacay duleedka Balcad

Cabdi Cade
Taboola Ads ---