Allbanaadir.com
NEWS

Shir Xasaasi ah oo laga yeeshay ammaanka magaalada Muqdisho (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha JFS, Mudane Maxamed Shiikh Cali Doodishe, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska, Sareeye Guuto. Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Mudane Yuusuf Cali, Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Col. Macalin Mahadi iyo Saraakiisha Howlgalka Ciiltire, ayaa kulan oo looga arinsanayo sugida Amniga iyo xasiloonidda caasimadda iyo nawaaxigeeda ku yeeshay xarunta wasaaradda amniga hudaga JFS.

Inta uu kulanka socday ayaa laga xog wareystay saraakiisha hoggaaminaysa Howlgalka Ciiltire sidii loo adkeen lahaa ammaanka caasimadda, inta lagu guda jiro maalmaha Ciidda iyo toddobaadka xorriyadda.

Wasiirka ayaana ku boggaadiyay ciidamada shaqada adag ay hayaan, waxa uu kula dar-daarmay in ay sii xoojiyaan amniga caasimadda inta lagu gudajiro maalmaha xuriyadda iyo ciidul Adxaa.

Ciidamada booliiska sida milatariga u tababaran ee loogu magac daray Ciiltire ayaa muddooyinkii dambe xoojiyay ammaanka magaalada Muqdisho.

Related posts

Dagaal khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Duleedka Dhuusomareeb iyo Guulo laga sheegtay

Cabdi Cade

Salum Haji Othman oo lagu soo dhoweeyey taliska Ciidanka XDS

Caydiid Ali

Guddiga doorashada federaalka oo shaaciyey liiska xubnaha labada aqal & Fahad Yaasiin oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---