Sarifle kooxda Al Shabaab u ahaa jaajuus xogta ciidanka siiya oo xukun adag lagu riday

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday Maxamed Cali Xersi Diirshe, oo lagu helay in uu katirsanaa kooxda Al Shabaab , gaar ahaan qeybta jaajuusnimada iyo dhagareynta shacabka.

Ninkan ayaa deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, ku lahaa goob uu gabbaad ka dhiganayey oo lagu sarifo lacagaha, isaggoo Al Shabaab uu u gudbin jiray xogaha ciidanka Muqdisho ka baxa ee ku wajahan Shabeellaha hoose, islamarkaana maraya wadada Ceelasha Biyaha, tiradooda iyo gaadiidka ay wataan intaba.

Maxamed Cali waxuu ku biiray Al Sahbaab 2012-kii, waxaana ku tashkiiliyey Yuusuf Xasan Ibraahim oo horey maxkamada ciidamada Qalabka sida ay ugu xukuntay 10 sano oo Xabsi ciidan ah, isaggoo ku daray qeybta jaajuusnimada iyo bombo tuurka, xogaha uu helana waxaa uu u gudbin jiray Yuusuf Xasan Aadan.

Bishii lixaad sannadii 2022 waxa uu bomb gacmeed ku tuuray saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha oo xilligaasi ku sugnaa goob timaha lagu jarto, sidoo kale goobo kale oo ay kamid yihiin Alnasri 3 iyo Hotel Musdalifo ayuu Bomb ku tuuray.

Falalkaasi argagixisanimo ee uu geystay Maxamed Cali, ayaa waxaa ka dhashay dhaawaca seddex ruux oo labo kamid ah ay ahaayeen haween.

Maxamed Cali Xersi Diirshe, ayaa u cararay deegaanka Jannaale, kadib markii Ciidanka amniga ay soo qabteen Yuusuf Xasan Ibraahim oo ahaa horjoogihiisa, afar bilood kadibna waxa uu kusoo laabtay Ceelasha Biyaha, isaggoo sii amba-qaaday dhagartiisa, waxaana markaan horjooge u ahaa nin lagu magacaabo nabadoonka.

Hay’adaha amniga oo ku raad-joogay Maxamed Cali Xersi Diirshe, ayaa deeganka Ceelasha Biyaha kasoo qabtay taariikhdu markii ay aheyd kow iyo tobankii bishii labo iyo tobnaad ee 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga oggolaaday labo iyo tobankii bishii seddexaad ee sannadkaan 2024.

Garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Maxamed Cali Xersi Diirshe 15 Sano oo xabsi ciidan ah, sida uu ku dhawaaqay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -