Ku simaha Taliyaha NISA oo loo doortay Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka (Sawirro)

Waxaa goordhaw magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad Goboleedka Galmudug ka dhacday doorashada kursiga sumadiisu tahay HOP067, waxaana kursigan ku tartamayay musharaxiin uu ku jiro taliyaha KMG ee Hay’adda NISA.

Doorashada ka dhacday magaalada Dhuusomareeb oo horey loo sii ogaa natiijadeeda ayaa waxaa ku guuleestay Yaasiin Cabdullaahi Farey oo ah ku simaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Guddiga doorashada ayaa shaaciyay in doorashada kursiga sumadiisu tahay HOP067 uu ku guuleestay Yaasiin Cabdullaahi Farey oo helay 68-cod halka musharaxii la tartamayay  ee Maxamed Cali Culusoow uu helay 20-cod waxaa halaabay 3-cod.

Kursigan goordhaw lagu doortay magaalada Dhuusomareeb ayaa shalay laga gudbiyay dacwad , waxaana kursigan dacwada ka gudbiyay saxiixa kursigan iyo sidoo kale qaar kamid ah musharaxiinta kursigan u taagneed

.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -