Allbanaadir.com
NEWS

Darjiinka Arbaco Rukun oo dib u dhis iyo Casriyeyn lagu sameenayo (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay dib u casriyeenta Darjiinka Arbaca Rukun ee Degmada Xamar Weyne oo kamid ah goobaha qadiimiga ah ee ku yaala Caasimadda.

Goobtan uu dhagax dhigay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa ah goob Taariikhi ah oo dhismaheeda la hirgaliyay ka hor ku dhawaad qarni, goobtaas oo loogu talagalay in ay isugu yimaadeen bulshada, si ay ugu qaataan waqtigooda la xariira nasiinada iyo wadasheekeysiga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa balan qaaday in Dowladda Hoose Xamar ay ka go’an tahay dib usoo nooleynta goobaha taariikhiga ee ka turjumaaya jiritaanka Caasimadda.

Related posts

Ganacsato loo heysto jebinta amar horey uga soo baxay Maamulka Sh/dhexe oo xabsi lagu guray

Caydiid Ali

Daawo:-Booliska Somalia oo shaaciyey Khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarkii Hotel Elite

Caydiid Ali

Musharax Marwo Seynab Xaabsey oo ku deeqday 50 booyadood oo biyo ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---