Guddoonka labada Aqal oo ka arrinsaday Wax ka bedelka Dastuurka iyo Qodobo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Madoobe iyo Guddoomiyaha Aqalka Sarre Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan looga hadlayay dar-dar gelinta ajandayaasha horyaala Baarlamaanka 11-aad ee JFS waxay ku yeeshen xarunta guddoonka iyo guddiyadda golaha Shacabka ee Villa Hargaysa.

Kulanka ay yeesheen guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa looga arrinsaday sidii wadajir ugu wajihi lahaayeen  kalfadhiga saddexaad sharciyada iyo howlaha kale ee muhiimka u ah qaranka .

Guddoonka labada Aqal ayaa isla gartay in xoogga saaraan dhammasytirka wax ka bedelka dib eegista Dastuurka KMG, ka howlgelidda heshiisyadii ay gaareen Madasha Wadatashiga Qaran iyo qodobo kale oo muhiim ah geedi socodka dowladnimadda dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -