Waa kee hogaamiyaha Wanaagsan (Sifooyinka dhabta ah ee lagu garto)

Waxaa jira hogaamiye aqoon leh oo haddana isku ogsoon inuu leeyahay aqoon, wuxuuna kaas macalin u noqdaa ummadiisa, isagoo mar kasta tusaale u noqda qaadida tilaabooyin dhirogelinaya dadka oo ay kaga daydaan horseedka uu waxqabadka dadka uu kaalinta kowaad kaga qeybgelayo.

Waxaa sidoo kale jira hogaamiye aan lahayn aqoon durugsan, balse og inuusan lahayn aqoon badan, wuxuuna kaas noqdaa arday ummaddiisa dhegeysta oo wax badan oo ay waayoarag u yihiin ka faa’ideysta, wuxuuna mar kasta ku dhexjira oo uu la fadhiistaa dadka caqliga leh iyo kuwa garashadoodu ay sareyso.

Waxaa jira hogaamiye aqoon leh laakiin aan xasuusneyn inuu aqoon leeyahay, wuxuuna kaas noqdaa nabadoon guud oo lataliye isku ah, iskuna wareejiya lataliyeyaal xasuusiya aqoontiisa, kartidiisa, iyo waayoaragnimadiisa, wuxuuna dadkiisa u muujiyaa inuu yahay shaqsi aan isla weyneyn oo dadku ay u siman yihiin.

Waxaa kaloo jira hogaamiye aan aqoon lahayn, haddana aan ogsooneyn inuu yahay qof aan aqoon lahayn, isla markaasna aan wax dana ka lahayn in aqoontu ka maqan tahay, kaas wuxuu dadka ku noqdaa kelitalis ummadda ku hogaamiya xoog iyo cabsigelin iyo qudbado dhaadheer oo aan waxtar badan u lahayn dadka.

Dadka aqoonta leh waxey ka gaabsadaan iney ka hadlaan waxyaabaha ay aqoonta u leeyihiin, balse dadka aqoonta gaaban ayaa mar kasta ku dhiiran iney ka hadlaan waxyaabaha aysan aqoonta u lahayn, waxeyna taasi ay tahay aqoon beena oo ay aad u halis badan tahay faafinteeda.

Hogaamiyaha wanaagsan waa midka ah macalinka ummadda, haddana ah arday dhageysi badan dareenka shacabka, iyo inuu yahay lataliye iskula taliya inuu isxasuusiyo axdiga uu dhaarta ugu maray inuu yahay nabadoonka ummadda oo dadka ku hogaaminaya sinaan, cadaalad, iyo ku dhaqanka sareynta sharciga.


Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaraadiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

- Advertisement -