Al-Shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay rag lagu eedeeyey..

Fagaare ku yaalla Magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe waxaa isugu soo baxay boqolaal ruux kuwaasoo ay iskugu yeereen Al-shabaab si ay u daawadaan xukun dil ah oo lagu fulinayay dad ku eedaysan falal jaajuusnimo.

Warbaahinta taageerta kooxda ayaa sheegtay in Illaa 5 ruux lagu dilay fagaare ay ugu magac dareen Macallin Aadan Xaashi waxayna ku eedaysnaayeen inay u basaasayeen sirdoonnada dowlado shisheeye.

Ma sheegin Al-Shabaab magacyada ragga ay dileen iyo kuwa ay ahaayeen sirdoonada ay u basaasayeen.

Al Shabaab ayaa dhowr jeer sidaan oo kale xukunno dilal ah ugu fulisay dad lagu eedeeyey jaajuusnimo.

- Advertisement -