Farmaajo oo ka hadlay Dagaalka ka socda Garawe baaqna u diray dhinacyada is haya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalka dhiigga badan ku daatay ee shalay ka qarxay magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland.

Farmaajo ayaa sheegay in uu ka xun yahay in magaalada Garawe oo astaan u aheyd nabbad iyo xasillooni in uu ka dhaco dagaal ka dhashay wax  lagu dhammeyn karo isfahan iyo wada-xaajood.

”Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxay astaan u tahay nabadda iyo amniga, sidaas awgeed waxaa nasiib darro ah dagaalka maanta ka dhacay ee salka ku haya arrimo lagu dhammeyn karo isfahan iyo wada-xaajood” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa sheegay in dadka reer Puntland uu ka rajaynayo in ay si deg-deg ah ugu istaagaan daminta dhawaaqa rasaasta, soo celinta amniga iyo adkeynta dowladnimada, isagoona ugu baaqay dhinacyada is haya in dagaalka wadahadal ku bedelaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -