Xabaal wadareed laga helay degaan ka tirsan Sh/dhexe oo laga saaray Al-Shabaab (Sawirro)

Degaanada Cali Fooldheere iyo Ciid Ciidka oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta waxaa gaaray ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Ciidanka ayaa indhahooda ku soo arkay xabaal wadareed an si fiican lo aasin oo ay ku jireen maydadka tiro ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab oo markii ay kooxdu asturi waysay hal god ku wada riday.

Waxaa la arkayay Askarta ciidanka xoogga dalka oo Urta Maydadka dartood Sanka u haysta, waxaana laga cabsi qabaa in degaankaas ay ka dilaacaan cudurada faafa.

Ciidanka NISA, Milatariga Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa howlgalo ay dhowaan ka sameeyeen degaanadaas waxay ku laayeen Al-shabaab fara badan oo laga duqeeyey dhinaca cirka.

Saraakiisha ciidamada DF ee ku sugan aagaas ayaa sheegay iney ku dedaalayaan sidii qaab wanaagsan loogu aasi lahaa meydadkaas si loo ilaaliyo sixada iyo fayo dhowrka degaanka loogana hortago.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -