Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo Kulan xasaasi ah la yeeshay Guddoomiyaasha Gobolada Puntland (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan kulaa qaatay Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay diyaargarowga Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Puntland oo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ay bilowmi doonto 5-ta January 2023, Sidoo kale waxaa laga hadlay Amniga iyo Horumarinta degmooyinka iyo Gobollada Puntland.

Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Guddoomiyeyaasha warbixinta xaaladda guud ee degmooyinka iyo Gobollada Puntland, wuxuuna Kula dardaarmay in ay sii horumariyaan dadaalka iyo u adeegida Bulshada iyo Sidii la isugu diyaarin lahaa si dhameystiran Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka.

Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Taliyeyaasha Ciidamada, La-taliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Jubbaland oo Caawa la Kulmay Xasan Sheekh iyo Xasan Kheyre (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa kasoo baxay Shirkii Taliyaasha Ciidamada Dowlada ku yeesheen Muqdisho ?

Cabdi Cade

Fahad Yaasiin oo soo bandhigay Afar layaab oo ka dhacay Raaskanbooni

Cabdi Cade
Taboola Ads ---