Daawo Sawirada: Kulan Garawe uga socda Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda maamul goboleedyda

Wararka aan ka heleyno magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka socdo kulan xasaasi ah ay leeyihiin Madaxweynaha Dowlada federaalka iyo Madaxda maamul goboleedyada.

Kulanka labada dhinac u socda waxaa soo qaban qaabiyay Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, kulanka ayaana looga hadlayaa sidii xal looga gaari lahaa khilaafka dowlada federaalka iyo Maamul goboleedyada.

Sida aan wararka ku heleyno kulanka ayaa ah mid albaabada u xiran yihiin, waxaana goob joog ka ah Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda kale ee maamul goboleedyada, Madaxdii hore ee Soomaaliya iyo xubno kale.

Madaxweynaha Puntland oo hal meel isugu keenay Madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada oo siyaasad ahaan iska soo horjeeday ayaa hadana doonaya in xal siyaasadeed iyo heshiis ku dhameeyo khilaafka taagan.

Khudbadihii xalay inta badan ka jeediyeen Madaxda maamul goboleedyada iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu dalbanayay in la isku tanaasulo xalna laga gaaro khilaafka u dhaxeeya dowlada Federaalka iyo Madaxda maamul goboleedyada.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kulankan kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -