Wasiir Cabdulahi Goodax oo kulan la qaatay hogaanka jaamacaddaha (Daawo Sawirada)

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay  hogaanka ururada ay ku mideysan yihiin jaamacadaha dalka.

Kulankan oo lagu qabtay Hoteelka Jazeera ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, agaasimaha guud ee wasaaradda Xassan Maxamed Cali iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada.

Wasiiru dowladaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in wasaaradda ay ka go’an tahay inay wada shaqeyn dhow la yeelato bahda waxbarashada dhankooda looga baahan yahay  inay la shaqeeyaan wasaaradda si horumar loo gaaro.

 Guddoomiyaha ururada ay ku mideysan yihiin jaamacaddaha dalka Daahir Xassan Carab ayaa sheegay in waxbarashada dalka ay soo martay marxalado kala duwan hadda ay mareyso meel wanaagsan isagoo wasiirka ka dalbaday inuu ka firsado dhismaha guddiga tacliinta sare islamarkana uu soo xulo dad aqoon u leh waxbarashada.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa kulanka ka sheegay in wasaaradda bishan gudaheeda qorsheyneyso inay la wareegto 26 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir kuwaasoo ay kafaalo qaadi doono wax kasta oo ay u baahan yihiin.

“Wasaaradda waxbarashada waxaa bishan gudaheeda u qorsheysan inay la wareegto 26 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir, waxaan bixin doona wax kasta oo ay u baahan yihiin, sannadka soo socda waxan rajeyneynaa anngao kaashaneyna wasiirada waxbarashada maamulada dalka ka jira oo wada shaqeyn wanaagsan naga dhaxeyso in gobolladana iskuul ka hirgelino’’ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya  ayaa sheegay in la dhameystiray islamarkanaa hadda uu socdo qeybinteeda manhajka fasalada afaraad, haddan waxaa socota qorida manhajka fasalada 5-aad iyo 12-aad , sannadka soo socdan la dhameystiri doono isagoo  sheegay in  kaalin ay ka geysteen daalladaha waxbarashada dalka.

Dowladda federaalka ayaa wada qorshe lagu horumarinayo waxbarashada dalka, iyadoo wasaaradda ay gacanta ku heyso iskuullo ku yaalla magaalada Muqdisho kuwaasoo si lacag la’aan ah wax uga bartan caruurta Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -