Allbanaadir.com
NEWS

Masuul sare oo katirsanaa maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo la dilay

Wararka ka imaanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay xilli dambe la dilay guddoomiye kuxigeenkii arrimaha bulshada degmadaasi Haashim Shareere, kaddib markii weerar gaadmo ah lagu qaaday.

Guddoomiye kuxigeenka Wanlaweyn oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay tuulada Buulo Xaashi oo kutaalla duleedka magaalada, waxaana xilliga la dilayay uu watay gaari uu kaga socdaalay Muqdisho.

Kooxo hubeesan oon ilaa hadda la aqoonsan ayaa la sheegay in ay dileen guddoomiye kuxigeenkii arrimaha bulshada degmada Wanlaweyn, mana jiro ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda dilka masuulkan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa bilaabay baaritaano ay ku baadigoobayaan raggii ka dambeeyay dilka loo geestay masuulkan katirsanaa maamulka gobolka Shabeelaha Hoose.

Maamulka Koonfur Galbeed uu katirsanaa masuulka la dilay iyo dowladda federaalka ayaan wali ka hadlin dilkan ka dhacay duleedka degmada Wanlawetn iyo cidda falkana geesatay, waxaana hadda socda baaritaano la xiriira dilkan dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saaxiibo isla cabi jiray Xashiishka kana tirsanaa Al Shabaab oo xukun lagu riday

Cabdi Cade

Puntland oo Magacowday guddi deg deg ah oo ka kooban todoba Xubnood (Magacyada)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Weerar dad badan lagu dilay oo lagu qaaday Kaniisad kutaala Quetta 

admin
Taboola Ads ---