Farmaajo & wafdigiisa oo ka degay Addis ababa & Mustafe Cagjar oo soo dhoweeyey (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdigii uu hoggaaminayey ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin ka tirsan dowlada Itoobiya oo uu horkacayey Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar)

Madaxweyne Farmaajo ayaa Magaalada Adis-ababa kaga qeyb galaya Shirkii 33-aad ee Hoggaamiyayaasha Wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD, waxaana shir guddoominaya Rai’usul Wasaaraha martida loo yahay ee Itoobiya Abiy Axmed.

Ajendayaasha looga hadlayo Shirka IGAD waxaa ka mid ah Arrimaha Nabadeynta Suudaanta Koonfureed, dib ugu soo biiridda Ururka ee dowlada Eritrea, dib usoo nooleynta Xiriirka Jabuuti iyo Eritrea iyo qodobo kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu joogo dalka Itoobiya waxaa uu kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaa Hoggaamiyaasha Gobolka ee Shirkaasi ka qeybgalaya, isagoona kala hadli doona qodobo ku saabsan xiriirka iyo iskaashiga geeska Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -