Dal Afrika kuyaala oo dhaqan galinaya sharci dambi ka dhigaya guurka khasabka ah

Dowlada Morocco ayaa dhaqan galineysa sharci cusub oo dambi ka dhigaya guurka khasabka ah iyo sidoo kale faro xumaynta iyo tacadiyada kale ee galmada la xariira ee dumarka lagula kaco.

Dalka Marocco ayaana waxaa kusoo kordhaya guurka khasabka ah iyo tacadiyada kale ee dumarka loo geesto, waxa ayna dowlada dooneysaa in la dhaqan galiyo sharci adag oo arimahan looga hortagayo.

Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in tobankii dumar ah ee reer Morocco lix ka mid ah la kulmaan nooc taddi ah, waxa ayna arintan kordhisay walaaca laga qabo in uu sii kordho tacadiga Dumarka lagu hayo.

Baraha Bulshada ayaa aad loogu baahiyay kufsi iyo tacadiyo kale oo loo geesanayo Dumarka dalkaasi, waxaana la filayaa hadii sharcigan cusub la dhaqan galiyo uu yareyn karo taciyada dumarka loo geesto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -