Al Shabaab oo soo bandhigtay Ergo Xildhibaano kusoo doortay Baydhabo iyo Kismaayo (Sawirro)

Al Shabaab ayaa deegaanka Buulo Fuulay ee gobolka Baay kusoo bandhigtay qaar kamid ah ergadii iyo odayaashii dhaqanka ee Xildhibaanada kusoo doortay Deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Munaasabad ka dhacday deegaanka Buulo Fuulay ayaa lagu soo bandhigay ku dhawaad 100-nin oo isugu jiray odayaal iyo ergo la sheegay in Xildhibaano kusoo doorteen magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo.

Odayaasha iyo ergada Al Shabaab soo bandhigeen ayaa la sheegay in ay qaateen baaqii kasoo baxay Al Shabaab ee ku aadanaa in ay cafis dalbadaan kana towbad keenaan dambi la sheegay in ay galeen.

Saraakiil katirsan Al Shabaab ayaa kasoo qeyb galay munaasabadan lagu soo bandhigayay qaar kamid ah Ergadii iyo Odayaashii Xildhibaanada ku doortay Kismaayo iyo Baydhabo, waxaana Odayaasha loo qabtay dooro diinta lagu barayay.

Al Shabaab ayaa sidan oo kale dhawaan deegaan katirsan gobolka Hiiraan ugu soo bandhigtay Odayaal iyo Ergo iyana la sheegay in Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya kusoo doorteen magaalooyinka Cadaado iyo Jowhar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -