Farmaajo oo shaaciyay magacyada xarumaha lagu dhisayo barnaamijka is-xilqaan

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa shaaca ka qaaday xarumaha la qorsheeyay in dhawaan lagu dhiso ololaha loogu magac daray is-xilqaan.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in xarumo muhiim ah oo kuyaala magaalada Muqdisho lagu dhisayo ololaha is-xilqaan, waxuuna xusay in ololahan lagu doonayo in dadka Soomaaliyeed ay wax qabsadaan.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan dib-u-dhiska dalka, dib u xoreynta iyo dib u soo nooleynta kaabeyasaasha dhaqaalaha, iyadoo loo marayo barnaamijka is-xilqaan oo aas-aas u noqonaya in Soomaaliya ay cagaheeda dib ugu istaagto, waqti kooban gudihiis.

“Ummad walba waxay horumar iyo barwaaqo ku gaartaa markay isku tashato, wax wada qabsato oo gacmaheedana ku hagar baxdo, sidii ay Soomaali hore u tiri biyo sacabadaada ayaa looga dhargaa.”

Xarumaha uu Madaxweynaha Soomaaliya shaaciyay in lagu dhisayo ololaha Is-xilqaan waxaa kamid ah :Madxafka qaranka, Golaha Murtida iyo wacyigelinta dadweynaha, Maktabadda qaranka ,Xaruntii dhexe ee Xisbiga ,Muqdisho Stadium iyo Isbitaalka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -