Uhuru Kenyatta oo shaaciyey tirada dadka cudurka COVID-19 ka dilay shacabkiisa

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ku baaqay in si wadajir ah loo qaado tallaabo ku aaddan sidii loo suurtogelin lahaa in si siman caalamka loo gaarsiiyo tallaalka COVID-19

Uhuru Kenyatta ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeedinayay kalfadhiga 76-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Waxaa uu ku sheegay in khudbaddiisa inay dhiirrigelisay hal-ku-dhigga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee sannadkan, kaasoo ah “Dhisidda hal-adaga iyadoo la rajaynayo in laga soo kabto Covid-19”.

Wuxuu sheegay in Kenya ay u baroor-diiqayso in ka badan 5,000 oo Kenyan ah oo naftooda ku waayey cudurkan wixii ka horreeyay todobaadkan iyo 4.7 milyan oo caalamka oo dhan u geeriyooday xanuunkan.

Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in saamaynta ba’an ee Covid-19 uu ku yeeshay socdaalka adduunka, dalxiiska, suuqgeynta, iyo maalgashiyada, ay sababtay hoos-u-dhac dhaqaale oo qoto dheer ku dhawaad hal qarni.

Kenya ayaa Bisha soo socota ee Oktoobar la wareegi doonta guddoonka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuuna sheegay inuu soo bandhigi doono arrimo waaweyn oo dhowr ah, maadaama uu noqonayo Madaxweynaha Golaha Ammaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -