Doorashadii Gudoonka Golaha shacabka Somalia oo goor dhow bilaabaneysa

Waxaa goor dhow ka bilaabanaysa Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho doorashadii gudoonka Golaha shacabka baarlamanka JFS.

Hoolka teendhada Afisiyooni waxaa ku sugan Xildhibaano ka badan 200 oo ka tirsan xubnaha Golaha shacabka kuwaaso diyaar u ah iney kala saaraan musharaxiinta u tartamaya doorashada gudoonka sare iyo labadiisa ku-xigeen.

Doorashada gudoomiyaha Baaramanka Somalia waxaa ku tartamaya sideed musharax oo kala ah:-

1-Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig
2-Xildhibaan C/llaahi Axmed Aadan Black

3-Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Saransoor
4-Xildhibaan Xassan Cabdi Nuur
5-Xildhibaan Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan.
6-Xildhibaan Sadiq C/llaahi Cabdi
7-Xildhibaan Shariif Maxamed C/lla
8-Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)

Sidoo kale waxaa la dooran doonaa Gudoomiye ku-xigeenada Koowaad iyo labaad ee golaha shacabka, iyadoo la filayo in doorashadan ay qaadato saacado badan oo la isla gaaro illaa caawa gelinka dambe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -