Allbanaadir.com
NEWS

Maamulka G/Banaadir oo soo saaray amaro cusub oo dhinaca Amniga ah

Maamulka Gobolka Banaadir oo Awaamiir dhanka Amniga ah kasoo saaray Gawaarida dadweynaha ee Mooto Bajaajta, Basaska B-L, iyo Gawaarida raaxada iyo kuwa ay istecmaalaan Mas’uuliyiinta.

Go’aanada cusub oo ka soo baxay Maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu faray dhammaan gaadiidka nuucyadiisa ee bulshada adeegsato inaysan qaadi Karin Askar hubeysan nooc kasta uu yahay iyo hay’ad kasta oo uu ka tirsan yahay.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax dheere ayaa sheegay in ciddii ka dhego adeegta amarkan lala tiigsan doono sharciga.

Gaadiidka ay wataan Masuuliyiin ayaa mar kale maamulku ku war galiyay inay u hoggaansamaan awaamirta lagu sugayo ammaanka isla markaana ay ogolaadaan in baraha ciidamadu joogaan lagu hubiyo si ammaanka loo xaqiijiyo.

Talaabadan ayaa timid xili ay soo baxayaan in raggii habeen hore weerarka ka geystay maqaayad ku taalla Liido ay halkaas ku tageen mootooyinka bajaajka iyo gaadiid kale oo nooca raaxada ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyihii Milatariga Itoobiya iyo saraakiil kale oo la dilay iyo Abiy oo ka hadlay 

Cabdi Cade

AMISOM oo si adag uga jawaabtay Eedeyn culus oo uga timid kooxda Ahlu Sunna

Cabdi Cade

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka shandlaha ah ee Spring meetings (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---