(Sawirro) Mid ka mid ah jidadka Muhiimka ah ee Muqdisho oo dib loo dhisayo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay Wadada Taleex ee Degmada Hodan.

Wadadan ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay ay dhibaato dhanka isku socodka ah ku qabeen bulshada caasimadda gaar ahaan gaadiidka, waxaana ka qodmay godad ka dhashay burburka.

Munaasabada dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Hodan, Odayaasha Deegaanka iyo Bulshada Qeybahooda kala duwan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in wadadan loo dhisayo qaab casri ah, isla markaana shacabka degaanka looga baahan yahay iney ka qeyb qaataan dib u dhiskeeda.

Inkastoo dib loo dhisay qaar ka mid ah jidadka magaalada Muqdisho, haddana waxaa jira wadooyin burbursan oo muhiim u ah socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo sidoo kale ay mar kale mar kale burbureen qaar ka mid ah jidadkii dib loo dhisay sanadihii la soo dhaafay sababo la xiriira dayactir la’aan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -