Guddoonada Baarlamanka ee Galmudug iyo Hirshabelle oo ka hor yimid Shirkii Kismaayo

Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casir oo maanta ka hadlayay furitaanka kalfahiga 4aad ee Golaha Shacabka ayaa   sheegay in shirkii dhawaan lagu soo gebagabeeyay Magaalada  Kismaayo  uu yahay mid aan wax wadatashi ah laga sameyn.

Waxaa uu sheegay in shirkii  Madaxda Maamul gobaleedyada uu yahay mid  lagu kordhinayo dhibaatooyinka  ka jira  degaanada Galmudug, wuxuuna waxyaabaha ka soo baxay shirkaasi ku tilmaamay kuwo riyo ah oo aan waxba ka jirin.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Baarlamanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa isna sheegay in dowladda iyo dowlad Goboleedyadu aysan aheyn kuwo kala maarma.

“Dowladdu waa jir, dowlad gobolleedyaduna waa xubnihii jirka, Xubin iyo jirna kalama maarmaan, kuwa leh dowladda dhexe xiriirka ayaan jarnay waxay la mid yihiin kuwo doonaya iney kala geeyaan wax aan la kala geyn Karin” ayuu yiri Cusmaan Barre Maxamed.

War murtiyeed ka soo baxay Madasha dawlad gobaleedyada Soomaaliya ku yeesheen dhowaan magaalada Kismaayo ayey ku sheegeen inay  hakiyeen  wada shaqeyntii ay la lahayeen dawladda Faderaalka, iyagoo tirsanaya eedeymo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -