Cali Jeyte oo War cusub ka soo saaray dagaalka reer Hiiran kula jiraan Al-Shabaab

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan oo safar shaqo ku joogay magaalada Muqdisho  ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Beledweyne.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga Gobolka Hiiraan Mudane Ahmed cabdalla Osman (Inji) Mayor-ka magaalada Beledweyne marwo Nadar Tabaax maalin,  xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle  iyo saraakiisha laamaha amniga, qeybaha Kala duwan ee Bulshada rayidka ayaa Gudoomiyaha si diiran ugu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif.

Gudoomiyaha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu diirada saari doono dardar-gelinta howlaha hortabinta leh ee horyaalo Maamulka Gobolka Hiiraan si loo xaqiijiyo Halbeega xasiloonida iyo kobac horumarineed.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa sidoo kale ka hadlay falal amni darro oo ku soo laalaabta magaalada Beledweyne.

“Waxaan leeyahay Shacabka qoryihiina qaata oo ku dhiirada inaad iska qabataan Shabaabka ku dhuumanaya magaaladaan” ayuu  yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusman oo intaas ku daray in gacan ay kula dagaalami doonaa Shabaabka qoryaha wata, gacana isaga qaban doonaan kuwa magaalada ku dhex dhuumanaya ee dilalka iyo qaraxyada geysta,” ayuu hadalkiisa ku daray Cali Jeyte

Wuxuu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, isagoo raadinaya qorshe lagu sugi karo amniga gobolka Hiiraan, loona dardar gelin lahaa dagaalka Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -