Milatariga Kenya oo War kasoo saartay Askar looga dilay Gudaha Soomaaliya

Dowlada Kenya ayaa shaacisay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo ciidankooda gaar ahaan kuwa qeybta ka ah AMISOM lagu eegtay duleedka Deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose.

Qaraxa lala eegtay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Kenya ayaa la sheegay in nuuciisu ahaa miino hareeraha wadad lagu aasay , waxaana qaraxan khasaaro isugu jira dhimasho kasoo gaaray ciidamada Kenya.

War kasoo baxay Milatariga Kenya ayaa lagu sheegay in qaraxa miino ciidankooda uga dhinteen ilaa afar askari sidoo kale jiraan ciidamo kale oo dhaawacyo kala duwan uu kasoo gaaray qaraxan lala eegtay.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxan lala eegtay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMSIM, waxa ayna Al Shabaab shaaciyeen in khasaaraha qaraxa kasoo gaaray ciidamada Kenya uu ka badan yahay inta ay shaaciyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -