Nin toorey ku hubeysan oo dalxiisayaal British ah & dad kale ku dooxay Paris (Daawo Sawirro)

Ugu yaraan Toddobo ruux oo afar ka mid ahna xaaladdoodu ay liidato ayaa ku dhaawacantay, ka dib markii nin mindi watya uu weerar ka gaystay magaalada Paris.

Ninka oo la sheegay inuu reer Afghanistan yahay ayaa la xiray, ilaha qaarkoodna waxay sheegayaan in aysan jirin wax tilmaamaya in uu weerar argagixiso ahaa.

Xogo kala duwan oo la helay ayaa sheegaya in labo ka mid ah dadka dhaawacmay ay yihiin muwaadiniin Britain u dhashay.

Weerarka ayaa ka dhacay 19th arrondissement oo ku taalla waqooyiga bari ee caasimadda.

Ilo ayaa sheegay in ninku uu weeraray dad uusan aqoon u lahayn uuna markii hore labo nin iyo haweenay ku tooriyeeyay meel u dhaw shaneemada MK2.

Dhawr ruux oo meel aan sidaa uga fogayn ku ciyaarayay ayaa la sheegay in ay isku dayeen in ay xakameeyaan iyaga oo ku tuuray kubadihii ay ku dheelayeen.

Ninka ayaa la sheegay in uu markaas cararay. Intaas ka dibna waxaa la sheegay in uu dalxiiseyaasha Britain u dhashay ku weeraray aagga Henri Nogueres.

“Dhacdadan si dedgdeg ah ayaan u baaraynaa, xiriir dhaw ayaana la samaynaynaa masuuliyiinta Faransiiska,” ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Britain oo war qoraal ah soo saartay.

Ilo ka tirsan booliiska Faransiiska ayaa sheegay “in hadda aysan muuqanin wax weerarkan la xiriirinaya fal argagixiso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -