Wasiir Haruse oo ka qeyb galay Shir Arrimo taagan looga hadlay oo ka dhacay Masar (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Omar Huruse iyo wafti uu hogaaminayay ayaa ka qayb galay shirka 158-aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Kulanka Waxaa looga hadlay iskaashiga dawladaha carabta iyo arrimaha hadda taagan ee khuseeya waddamada carabta, sida siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha kale ee saamaynta ku leh shucuubta carabta.

Waxaa si aad ah looga hadlay xaaladda Soomaaliya xilligan ka taagan, gaar ahaan sidii dawladda Soomaaliya garab looga siin lahaa wax ka qabashada xaaladaha ammaanka iyo abaaraha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Omar Huruse, ayaa lagu wadaa in kulamo kala duwan la qaato madaxda Crabeed ee shirkaasi kasoo qeybgashay kalana hadlo xaalada Soomaaliya iyo sidii ay dhinacyo kala duwan uga taageeri lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -