Raisul Wasaare Gennady Gaguliya oo ku geeriyooday Shil Baabuur (Daawo Sawirro)

Saraakiisha ku sugan Jamhuuriyadda Abkhazia ee ka go’day Georgia ayaa sheegay in ra’iisul wasaarihii Jamhuriyaddaasi uu ku geeriyooday shil baabuur.

Warbaahinta Ruushka ayaa ku soo warrantay in ra’isul wasaare Gennady Gaguliya uu la socday kolonyo baabuur ah oo ka dhaqaaqay garoonka diyaaradaha ee ku yaalla magaalada Sochi ee dalka Ruushka, xilliggaasina uu shilka dhacay.

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Abkhazia, Gennady Gaguliya ayaa kamid ahaa wefddi dhawaan gaaray dalka Suuriya.

Abkhazia ayaa ka go’day Georgia sannadkii 1992-dii xilliggaasi oo ay taagnaayeen dagaallo sokeeye balse caalamka aqoonsi kama aysan helin. Ruushka ayaa taageeraa Abkhazia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -