Midowga Afrika oo si adag uga hadlay dilkii arxan darada ahaa ee loo geestay George Floyd

Midowga Afrika ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii arxan darada ahaa ee sargaal katirsan ciidamada booliiska dalka Mareykanka ugu geestay magaalada  Minneapolis nin madow ah oo asal ahaan kasoo jeedo Qaarada Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa cambaareeyay dilka carada badan abuuray ee booliiska Mareykanka u geesteen George Floyd oo ahaa nin madow oo xiliga la dilayay aan hubeesneen.

Moussa Faki ayaa sheegay in Midowga Afrika uusan marnaba aqbaleyn tacaddiyada ka dhanka ah dadka madowga ah ee ku nool Mareykanka, waxa uuna ku tilmaamay dikii loo geestay George Floyd dil sharci daro ah oo laga naxo.

Gudoomiyaha Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladda Mareykanka in ay xaqiijiso soo afjaridda weerarada ku saabsan naceybka iyo midab takoorka gaar ahaan kuwa lagu beegsanayo dadka asalkooda Afrika kasoo jeedo

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -