DF oo walaac ka muujisay Mid ka mid ah bukaanada cusub ee laga helay COVID-19

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda caafimaadka ee dowlada Soomaaliya, Maxamed Saciid C/llaahi ayaa walaac ka muujiyey Xaaladda cudurka COVD-19 ee Soomaaliya, isagoo xusay iney sii xoogeysatay cabsida ay ka qabaan inuu ku dhex faafo bulshada.

Maxamed Saciid C/llaahi ayaa sheegay in Labo bukaan oo maalmo ka hor wasaarada Caafimaadku sheegtay in laga helay cudurka COVID-19, mid ka mid ah uu yahay Soomaali ku noolaa gudaha Muqdisho, taasoo uu sheegay inuu kaga duwan yahay kiisaskii ka horeeyey oo dhamaan dadkii laga helay ahaayeen kuwo ka yimid dibeda lana karantiilay inta aysan shacabka dhex gelin.

“Bukaankii ugu dambeeyey ee laga helay cudurka waa Soomaali wax xiriir ah lama lahayn qof qabay cudurka, sidoo kale kama imaan dalka dibaddiisa, bulshada ayuuna ku dhex noolaa, Tani waxay ka dhigan tahay inuu fayrasku haatan ku jiro bulshada dhexdeeda, runtiina walaac badan ayey arintaas nagu abuurtay, maadaama dadkii isaga qaadsiiyey iyo kuwii uu la macaamilay ay weli bulshada ku dhex jiraan, siina qaadsiin karaan dad kale oo fara badan, iyagoo aan is ogeyn” ayuu yiri wasiirka oo wareysi siinayey mid ka mid ah warbaahinta ka howlgasha Muqdisho.

U gudbinta bulshada ayuu sheegay wasiirku in micnaheedu yahay in cudurka ku dhex faafay bulshada qaab aan la garanayn, iyadoo bukaanku xiriir la yeelan qof qaba cudurka ama u safrin dibadda.

Tirada dhimashada cudurka COVID-19 ayaa kor u dhaaftay 60,000 kun oo qof guud ahaan Caalamka, sida lagu sheegay xogta ay soo aruurisay Jaamacadda John Hopkins ee fadhigeedu yahay Maraykanka, tirada dadka cudurkan uu ku dhacay ayaa kor u dhaafaya 1.2 milyan.

Coronavirus si fudud ayuu ku faafaa, waxaana lagu kala qaadi karaa, qufaca iyo hindhisidda, iyo sidoo kale, taabashada ama gacan qaadista.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -