Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Salima Rhadia oo maanta taariikh cusub sameeneysa iyo Warbaahinta oo hadal heysa

Haweeney garsoore kubadda cagta ah oo u dhalatay dalka Rwanda, ayaa maanta sameeneysa taariikh cusub marka ay garsoore ka noqoto ciyaarta u dhaxeysa wadamada Zimbabwe iyo Guinea.

Garsoore Salima Rhadia Mukansanga, ayaa noqoneysa haweeneydii ugu horeesay oo garsoore ka noqota koobka Qaramada Afrika ee ragga, waxa ayna haweeneydan maanta u noqon doontaa maalin gaar ah oo taariikhda u gasha.

Haweeneydan oo ah 35-sano jir ayaa maanta garsoore ka noqon doonta ciyaarta ugu dambeesa heerka Gruupyada ee dhax mareysa Zimbabwe iyo Guinea, waxaana ciyaartan ay ka dhici doontaa garoonka Ahmadou Ahidjo ee magaalada Yaounde.

Salima Rhadia, iyo dumar kale ayaa loo soo xulay in ay kamid noqdaan garsoorayaasha tartanka kubada cagta ee qaramada Afrika ee sanadkan si xamaasad leh uga socda dalka Cameron, waxaana la sugayaa kulanka adag ee Salima maanta dhax dhaxaadin doonto.

Warbaahinta caalamka iyo kuwa Qaarada Afrika ayaana maanta si weyn u hadal haya sheekada gabadhan garsooraha ka noqon doonta tartanka qaramada Afrika, waxaana dad badan soo dhaweeyeen go;aanka haweeneydan lagu xushay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mucaaradka oo isku khilaafay kulamo ka dhacay Muqdisho & Farmaajo oo..

admin

Kenya oo si adag uga jawaabtay Eedeyntii uga timid dowlada Jabuuti

Cabdi Cade

Saraakiisha Amniga iyo Guddoomiyaasha degmooyinka G/Banaadir oo Ammar la siiyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---