Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliye Indhaqarshe oo ku dhawaaqay qorshe aysan ku farxin Saraakiisha Xoogga dalka

Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay qorshe cusub oo imtixaan looga qaadayo Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si loo tijaabiyo heerka aqoontooda.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka S/Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa sheegay in Saraakiisha CXD laga qaadi doono Imtixaan guud.

S/Gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in la qaban doono imtixaan guud oo laga qaadayo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Ujeedka imtixaanka ayaa ah in la ogaado heerkooda aqooneed iyo khibradaha ay leeyihiin.

Waxaa uu sheegay taliye indha qarshe  qaadista imtixaanka lagu kala saarayo saraakiisha leh Aqoonta iyo kuwa ay khibradooda ay yar tahay Saraakiisha imtixaanka ku dhacdo ayuu sheegay in loo furi doono koorso waxbarasho oo laga dhisayo heerka Aqoontooda.

Dowlada Somalia ayaa mudooyinkiii la soo dhaafay waday dib u habeyn lagu sameynayay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si tayadoda ciidanimo sare loogu qaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Laftagareen oo digniin culus siiyey beelaha ku dagaalamaya Wanle-weyn

Caydiid Ali

Mareykanka oo soo saaray bayaan adag & hanjabaad ka dhan ah Somaliland

Caydiid Ali

DEG DEG: Farmaajo oo ka hor yimid amarkii uu Rooble siiyey ciidanka ATMIS

Caydiid Ali
Taboola Ads ---