Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirrada maamulka Hirshabelle oo Ansixiyay lix degmo cusub (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Shir-guddoomiyey Kulanka Golaha Wasiirada ee Dowladda Hirshabeelle.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa maanta looga hadlay Arrimaha amniga, Wajiga labaad ee Howlgalada lagu ciribtirayo Kooxda  alshabaab oo dhowaan bilaaban doono, Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran iyo Heshiiskii Siyaasadeed ee Magaalada Muqdisho lagu soo gaaray iyo Dakhli kordhinta horumarinta hanaanka maaliyadeed ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee uu Magaalada Muqdisho uga qeybgalay 24-27 bishii May, isagoo sheegay in muhiimada ugu wayn ee shirkaas uu ahaa dardargalinta howlgalada lagu baacsanayo khawaarijta iyo arrimaha doorashooyinka waxa uuna xusay in dood dheer ay ka yeesheen hanaanka doorashooyinka dalka ay ugu dambeyn isla qaatay in la mideeyo doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo u dhici doonta doorasho qof iyo cod ah.

Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ayaa Golaha hor keentay Hindise Sharciyeed Degmooyin loogu aqoonsanayo Deegaano soo buuxiyay shuruudihii Degmo-nimo kuwaas oo kala ah

1. Moqokori
2. Masaajid Cali Gaduud
3. Raaga Ceelle
4. Buurweyn
5. Buq-aqable
6. Xawaadley

Dood iyo falanqeyn dheer kadib, Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansaxinta degmooyinkaas.

Related posts

Aadan Madoobe oo Guddi u magacaabay go’doomin lagu sameeyey degaano ka tirsan Galgaduud

Caydiid Ali

Cabsi bambaano oo jahwareer xooggan ka abuuray garoonka diyaaradaha OR Tambo

Cabdi Cade

Shan kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo u tanaasulay Abuu Mansuur

Cabdi Cade
Taboola Ads ---