Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

DF oo shaacisay Khasaaraha ka dhashay Dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Yasooman

War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Yasooman iyo deegaano kale iska difaaceen weerar saakay kusoo qaadeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Dowladda ayaa sheegtay in dagaalka saakay lagu jabiyay dagaalyahanada Al Shabaab ee weerarka soo qaaday, waxa ayna wasaaradda warfaafinta sheegtay in dagaalka lagu dilay 20 tirsan dagaalyahanada Alshabaab ee weeraray deegaanka Yasooman.

Warka goordhaw kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka dowladda dagaalka saakay ka dhacay looga dilay ilaa saddex askari, waxa ayna sheegeen in Al Shabaab deegaanka uga carareen meydadka ragii laga dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirad Fowsiya oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyey dalka ee COVID-19

Caydiid Ali

Wiil ku labistay Dareeska ciidanka Milatariga Somaliland oo xabsiga la dhigay

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo ka War heysa Lacagaha Ganacsatada siiyaan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---