ATMIS oo shaacisay in ay ka aarsadeen Shabaabkii weeraray Buulamareer kana soo furteen …

War goordhaw kasoo baxay taliska ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS, ayaa lagu sheegay in weerar kadaba tag ah ay ku qaadeen dagaalyahannadii Al Shabaab ee Jimcihii weeraray xero ciidankooda ku lahaayeen deegaanka Buulomareer.

Taliska ciidamada ATMIS ayaa sheegay in weerarka ciidankooda ku qaadeen kooxdii weerartay Buulamareer kaga dileen xubno badan oo kooxdaasi katirsanaa, sidoo kale dib usoo furteen hub kala duwan oo Al Shabaab ka qaateen xerada ciidanka.

”Ciidamada ATMIS iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku guulaystay in ay ka daba tagaan argagixisada Al-Shabaab ee baxsadka ah ee ku lug lahaa weerarkii xerada ciidamada ATMIS ee Buulo Mareer, iyagoo cagta mariyay tiro aad u badan oo argagixisadu ka mid ah. Ciidamada wadajirka ah ayaa sidoo kale soo furtay hub badan oo laga dhacay xerada Buulo Mareer” ayaa lagu yiri qoraalka ATMIS kasoo baxay.

Taliska ATMIS ayaa shaaciyay in ay sii xoojinayaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab , waxa ayna sheegeen in dagaalka garab ku siinayaan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada kale ee beesha Caalamka.

Al Shabaab ayaa subaxii Jimcaha weerar culus oo ku bilowday qaraxyo waxa ay ku qaadeen xero ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Uganda ku lahaayeen Buulomareer, waxa ayna Shabaab sheegeen in weerarkaasi ku dileen 137 askari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -