Allbanaadir.com
NEWS

Xasan Sheekh oo la kulmay Axmed Madoobe iyo Masuuliyiinta Gedo kasoo jeeda (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kulan kula qaatay masuuliyiinta ugu saraysa maamulka Jubaland oo uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Waxaa Kulanka ka qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka koobaad Mudane Maxamuud Sayid Aadan ,Xildhibaanada iyo Wasiirada heer Federaal iyo heer Jubaland ku matala gobolka Gedo.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay xaalada guud ee gobolka Gedo iyo dhismaha maamulka gobolka oo ay xasarado ka jireen sanadahii lasoo dhaafay, waxaana laga wada hadlay sidii xal loogu heli lahaa sameynta maamulka gobolkaasi.

Maamul goboleedka Jubaland ayaa sheegtay in ay dhawaan soo dhisi doonto maamulka gobolka iyo degmooyinka uu ka kooban yahay, kaddib Marka ay soo dhammaadan latashiyada bulshada gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mashquul laga dareemayo Suuqyada Muqdisho iyo shacabka hal arrin ka cabanaya

Caydiid Ali

Maamulka G/Hiiraan oo War cusub ka soo saaray kacdoonka ka dhanka ah Al-shabaab

Caydiid Ali

DEG DEG: RW Rooble oo ka soo horjeestay muddo kororsiga, kuna dhawaaqay doorasho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---