Muxuu salka ku hayaa Shirka Sadex Geesoodka ee Asmara? (Wax badan ka Ogow)

Madaxwaynha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabduulaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa magaalada Asmara ee xarunta dalka Eretria uga qayb gelaya shir muhiim u ah ifafaalaha wanaagsan ee waayihii dambe kasoo if-baxay gobalka geeska Afrika.

Kulanka Asmara muxuu daaranyahay?

Shirkaan Asmara oo saddex-geesood ah ayaa u dhexeeya Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea, iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia waxaana diiradda lagu saarayaa ka faa’iideysiga fursaddaha cusub ee is-kaashiga gobolka, isu soo dhawaanshaha iyo xallinta khilaafaadka geeska Afrika.

Shirarkii Beijing ee Africa iyo China iyo Madasha Iskaashiga Soomaaliya “Somali Partnership Forum”, ayaa si buuxda u dhiirrigeliyay in laga wada shaqeeyo xasilloonida iyo isku-furnaanta dhaqaalaha Gobalka geeska Afrika, waxaana madaxda gobalku iyaga oo taas ka duulaya ay go’aansadeen in fursadahaaas looga faa’iideeyo shucuubta Gobalka, qorshayaasha horumarineedna loo bedelo ficil si loogu diyaar noqdo nolol wanaagsan iyo barwaaqo ay ku noolaadaan Malaayiinta ku nool geeska Afrika.

Gobalka Geeska Afrika?

Waddamada Soomaaliya, Djibouti, Eritrea iyo Ethiopia ayaa ku midaysan Gobalka geeska Afrika, waxaana is-kaashigoodu uu Muhiim u yahay Bariga Afrika, qaaradda iyo guud ahaan adduunyada.

Isu soo dhawaanshaha

Gobalka Geeska Afrika xilli dheer waxaa ka jiray qoqobnaan iyo xurguf siyaasadeed, waxaana hadda soo if-baxay dareen ka duwan oo ku salaysan is-kaashi dhaqaale iyo is-faham ku qotoma danana guud ee dalalka Gobalka kadib markii hoggaamiyaasha dalalka gobalku ay garaawsadeen in horumarku uu ku xiranyahay is-xulufaysi togan dalna uusan gooni horumar u gaari karin iyada oo dalalka kale aysan la qabin.

Xallinta Khilaafaadka iyo Booqashooyinkii Hore

Iyada oo inta badan dalalka gobalku aysan horay u lahayn xariir wanaagasn oo ka dhexeeyay, ayaa hadana dalka Eretria waxa uu ahaa dalka ugu daran ee go’doonka oo aan xariir la lahayn dal kamid ah gobalka, waxaana arintaas bedelay madaxda gobalaka iyada oo la filayo in lasii wado inta dhammaan dhinacyada gobalku ay isku u jeeddo ka noqonayaan horumarinta hannaanka nololeed, amni, dhaqaaqe iyo siyaasadeed ee gobalka.

Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa booqday Eretria isaga oo noqday madaxwaynihii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo socdaal ku taga dalkaaas, Ra’iisul Wasaaraha Ethipoia ayaa Muqdisho iyo Asmara tegay, wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee Ereteria ayaa booqday Muqdisho iyo Addis Ababab, dhammaan booqashooyinkaas waxaa loogu diyaar garoobayay soo noolaynta xariirka dalalka geeska Afrika.

Fal-celintii Carada lahayd ee Jabuuti

Djibouti oo ah dalka afaraad ee Gobalka geeska Afrika waxa ay qoonsatay booqashooyinkaas, gaar ahaan socdaalkii madaxwayne Farmaajo ee Asmara iyo baaqii ahaa in cuna qabataynta laga qaado Eretria maadaama uu kala dhaxeeyay dagaala dhanka xudduuda ah oo aan wali xal laga gaarin, hase yeeshee madaxwayne Farmaajo waxa uu socdaal kale ku tegay Jabuuti waxa uuna la kulmay dhiggiisa dalkaasi oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dal ee walaalaha ah, waxaana sidoo kale suuragal ah in ka wada hadleen qorshe lagu dhex-dhexaadinayo Eretria iyo Jabuuti.

Maxaa sababay in Djibouti aysan qayb ka ahayn kulanka Asmara?

Hoggaanka Soomaaliya iyo Ethiopia oo hormuud u ah nabadoonnimada Geeska Afrika iyo dhidibba u taagidda jawiga is-kaashi, kullanna ku yeeshay caasimadda Shiinaha ayaa la hadal hayaa in Djibouti iyo Ereteria ku qancinayan in ay soo af-jaraan colaaddii waqtiga dheer ka dhexaysay oo ay usoo jeestaan horumarka Gobalka lala doonayo in la gaarsiiyo, ayna suuragal tahay in kulankaan uu xigo kulan kale oo Djibouti ay qayb ka noqoto si loo amba qaado dadaallada lagu doonayo in laga wada faa’iidayso fursadaha jira.

Maxaa la iska kaashanayaa?

Sida caadiga ah, dunida waxa ay isugu xirantahay goballo iyo ururro, waxaana dhammaan qayb kasta oo si gaar ah isugu xiran ka dhexeeya dano is-kaabaya. Dalalka dhaca Gobalka geeska Afrika qaybaha ugu muhiimsan ee ay iska kaashanayaan waxaa kamid ah Kobcinta dhaqaala, hourminta kaabayaasha dhaqaalaha, sare u qaadidda ganacsiga, nabad-gelyada, la dagaallanka argagaxisada, iyo fududaynta isu-scodka dadka.

Soomaaliya dawr nuucee ah ayaa uga furan?

Sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay wakaaladda wararka dawladda Soomaaliya SONNA, Soomaaliya waxay diyaar u tahay in ay qaadato dawrkii ay horey u lahaan jirtay, iyada oo si firfircooni leh uga shaqeyn doonta ka faa’iideysiga fursaddaha cusub ee iskaashiga gobolka, isu soo dhawaanshaha iyo xallinta khilaafaadka geeska Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -