Itoobiya iyo Sudan oo qarka u saaran in ay dagaalamaan iyo Ciidamo xadka lasoo dhoobay

Waxaa sii xoogeesanaya xiisada u dhaxeysa dowladaha Itoobiya iyo Sudan , waxaana hada laga cabsi qabaa in labada dal oo xiriir wanaagsan lahaa sanadihii lasoo dhaafay uu dagaal ka dhax qarxo.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Dowlada Suudaan ayaa lagu sheegay in ciidamo badan oo katitsan milatariga Itoobiya kasoo gudbeen xadka ayna gudaha usoo galeen dhulka Sudan.

Dowlada Sudan ayaana ka digtay in dhibaato ka dhalato ciidamadan kasoo gudbay xadka Itoobiya soona galay dhulka Sudan, waxa ayna Xukuumada Khartuum ku eedeesay dowlada Itoobiya in xaalad abuureysdo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti, ayaa sheegay in fariimo ay u direen Xukuumada Khartuum in aysan kasoo jawaabin kana aamuseen, waxa uuna dowlada Sudan ugu baaqay in ay joojiso barakicinta ay ku heyso muwaadiinta reer Itoobiya.

Dowladaha Itoobiya iyo Sudan ayaa isku heesta dhul beeraley ah oo kuyaala xadka labada dal, waxaana dhulkaasi degan beeraley Itoobiyaan ah iyadoona dhulaasi sheeganeyso dowlada Sudan in iyadu leedahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -