Darawal gaari dadweyne oo maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa la sheegay inuu darawal waday Gaari Hoomey ama BL ku dilay degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Falkan ayaa ka dhacay isgoyka mashquulka badan ee Sei-biano oo ku yaalla degmada Hodan.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in Askariga wax dilay iyo darawalka ay murmeen, maadaama wadadaasi ay aad cariiri u aheyd, taasoo  keentay in askariga uu xabad ku dhufto darawalka.

Darawalka Gaadiidka dadweynaha ee maanta la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay (Laangeel) sida ay sheegeen qaar ka mid ah darawalada kale ee saaxiibadiis ahaa.

Askariga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, ciidamada booliska Soomaaliya ayaana gaaray halkaas, iyagoo baadi goobaya askariga wax dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -