Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia & wafdi uu horkacayo oo gaaray Garoowe (Sawirro)

Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia iyo wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaaladda Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha golaha wakiiladda Puntland iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada.

Guddoomiyaha baarlamanka Somalia Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay ujeedka socdaalka isaga iyo wafdigiisa ee Magaaladda garoowe Garoowe, isagoo xusay in mudada ay joogaan Magaaladda tan Garoowe ay ay ka qeyb geli doonaan Xuska markii sanadguurada aasaaska Dowlad Goboleedka Puntland oo ku beegan 1-da Agoosto iyo sidoo Kale xiritaanka fadhiga 44-aad ee golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -