John Bolton oo kashifay sir culus oo muddo badan u qarsooneyd Madaxweyne Trump

Sida ku xusan buug uu qoray la taliyihii hore ee ammaanka qaranka, John Bolton, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ka codsaday dhiggiisa Shiinaha, Xi Jinping, inuu ka caawiyo dib-u-doorashadiisa,

Bolton oo faahfaahin ka bixinayay buugga oo lagu wado inuu dhawaan soo baxo, ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu doonayay in Shiinaha uu dalaga beeraha ka iibsado beeraleyda Maraykanka.

Dhacdada buuggu tilmaamay ayaa la sheegay iney u egtahay falkii horseeday dacwaddii xilka qaadista ee uu wajahay Trump dhowaan.

Madaxweyne Trump ayaa lagu wadaa in bisha November uu loolan adag kala kulmo Joe Biden oo ah musharraxa xisbiga Dimuqraadiga, ahna madaxweyne kuxigeenkii hore ee Barack Obama.

Aqalka Cad ayaa ku dedaalaya sidii uu u horjoogsan lahaa daabacaadda buuggan, iyagoo ku andacoonaya in buugga lagu qoray xog xasaasi ah oo aan bulshada loo soo bandhigi karin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -